Ciidamada booliska Kenya ayaa olole ay ku xir xirayaan Somaliada ku nool xaafada Islii ee magaalada Nayrobi ku guda jira halkaasi oo ay ku nool yihiin Somali badan oo ka soo qaxay mowjadaha dagaal ee Muqdisho.
Wararku waxa ay sheegayaan in ciidamda booliska ee jiiray xaafada Islii ay xir xireen ilaa 600-oo qof oo ay ku jiraan ragg ganacsato oo in badan kenya ku noolaa , iyadoo ay sii dheertahay dadka muhajirinta ee dhawaan soo gaaray .
Shabaqa booliska Kenya ayaa waxaa xitaa ku dhacayay dadka reer Kenya balse asal ahaan ka soo jeeda Somaliya, iyadoo C/qaadir maxamed Qalaf oo kenyan somali ah la xeray inakstoo dib loo sii daayay , iyadoo uu sheegay in la juujuubay lana garaacay.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in dadka xitaa laga qabanyay goobahooda ganacsi , iyadoo la arkayay dukaano albaabada u furan yihiin kuwaasi oo nugul in la gacmeysto.waxaana lagu waramay in dadka la qabtay qarkood al-shabaab looga shakisan yahay .
Ma jiraan ilaa haatan wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Naroobi oo ku aadan ololahaan Somaliada ka dhanka ah iyo ujeedka ka dambeeya .
Wararka qaarkii ayaa tilmaamaya in Kenya ay cabsi ka qaaday waarka sheegaya in rag ka tirsan al-shabaab soo galeen gudaha Nayroobi kuwaasi oo doonayo in ay weeraro fuliyaan.
Safaarada Somaliya ee Nayroobi ayaan weli si rasmi uga hadal , iyadoo saraakiil ka tirsan tilmaameen in xog badan aysan ka hayn sheekooyinka dhacaya.
Waxaa xusid mudan in aysan aheyn markii ugu horeysay oo xaafada Islii olole noocaan oo kale ka dhacaan , iyadoo somalida Islii ku nool la kulmaan cadaadis xoogan oo ka dhalanaya sharci darada ay ku joogaan kenya.





















