» Hogaanka al-Shabaab ee Somalia oo la badalay
Advertisement

shababsomaliaDowlada Jabuuti ayaa daboolka ka qaaday in kooxda mayalka adag ee al-shabaab ee ka dhanka dowlada Somaliya ay isbadal ku sameeysay hogaanka kooxda , hogaamiyaal cusub oo alqaacida ka tirsan ay qabtay talada al-shabaab.

Wasirka arimaha dibada dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo u waramayay wargeyska al-sharqul awsat ayuu tibaaxay in hogaanka kooxda al-shabab uu haatan qabtay nin u dhashay dalka Juzur al-qamar kana tirsan al-aacida oo lagu magacabo Fadiil C/laahi Maxamed oo iminka masuul ka ah weerarada ismiidaaminta ah ee Muqdisho ku sii baahaya .

Wasiirka reer Jabuuti ayaa tibaaxay in wararkaani sirdoon ay yihiin kuwa lagu kalsoon yahay iyadoo Fadiil Maxamed u caan ku yahay sameynta waxyabaha qarxa iyadoo ninkaani soo magacaabeen ururuka al-qaacidda.

Ninkani haatan qabtay hoganka al-shabaab ayaa ku lug lahaa weeraro danaha mareykanka loogu geeystay bariga africa sanadiii ugu dambeeyay, iyado warar so baxaya sheegayan in ninkasi uu si weyn u garanayo sameynta walxaha qarxa.

Kooxda al-shabaab ayaa xilli sii horeeyay sheegay in ay qeyb ka yihin ururka al-qaacida ayna ka amar qaataan hogamiyaha dhuumaleysiga ku nool ee Osama Bin Laden ee u dhashay dalka Sacudiga .

SociBook del.icio.us Digg Facebook Google Yahoo Buzz StumbleUpon
Advertisement

Leave a Comment

Copyright © 2009 Ehooyo Media