Dowadda Somaliya ayaa si diiran usoo dhaweysay go`aankii shalay ey gaareen Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay kaasoo ey cunaqabateyn ku saartay dalka Eritrea oo ey ku eedeeyeen in ey hurineyso colaada raagtay ee Somaliya ka taagan.
Wasiiru dowlaha arrimaha dibada Somaliya Cali Jaamac Jengili oo isagoo ku sugan dalka Sucuudiga wareysi dhiibay ayaa soo dhaweeyay go`aanka Golaha Amaanka ee ku aadan cunaqabateynta Eritrea, waxaana uu sheegay in arintani fursan u tahay nabad waarta oo ka dhalata dalka Somaliya.
Go`aankani ayuu sidoo kale ku sheegay wasiirku mid guul u ah wadamada geeska Afrika isagoona intaa raaciyay in guushaasi si weyn u saameyn doonta Somaliya oo ey Eritrea ku haysay faragelin qaawan.
Asbaabta Golaha Amaanka u cuskaday cunaqabateynta Eritrea uu saaray ayaa ugu weyn faragelinta ay ku hayso arrimaha Somaliya, iyadoo ku caawisa hub iyo saanado kale kooxaha xagjiriinta ah ee ka dagaalama gudaha Somaliya islamarkaana xiriirka la leh argagixisada al-Qacida.
Cunaqabateyntan ayaa saameny doonta danaha Eritrea gaar ahaan dhanka hubka, duulimaadka, dhaqaalaha iyo xayiraadyo hantiyeed oo la saaro shakhsiyaadka sar-sare sida m/weynaha iyo xubno kale.
Dhanka kale kooxda Xisbul Islaam ee uu hogaamiyo Xasan Daahir ayaa maanta dhaleeceeyay go`aankii shalay Golaha Amaanku cunaqabateynta ku saaray Eritrea, iyagoona ku tilmaamay mid cadaalad darro ah.
Dhowr duulimaad oo saanad hub ah ayay Eritrea soo gaarsiisay kooxo diimeedyada ka dagaalama Somaliya sanooyinkii ugu dambeeyay, taasoo keentay in ey ku dhintaan, dhaawacmaan, kuna barakacaan kumanaan Somali ah magaalada Muqdisho.
























